RASMI: Mohamed Salah Oo Firmino & Mane Ku Garaacay Xiddiga Ugu Fiican Liverpool Ee Bishii August.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa maanta ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican ee Liverpool ee bisha August ee la soo dhaafay.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay 3 gool sidoo kale caawiye ka noqday 2 kale 6 kulan oo uu u ciyaaray Liverpool tartamada oo dhan bishii August.

Salah ayaa kooxdiisa Liverpool ka caawiyay ku guulaysiga koobka UEFA Super Cup oo ay ka qaadeen kooxda Chelsea bartamihii bishii hore.

Salah ayaa wada ciyaaray dhamaan 6-dii kulan ee Liverpool ee tartamada oo dhan isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Xiddiga ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigaha ay weerarka ka wada ciyaaraan ee Roberto Firmino iyo Sadio Mane kadib markii ay codeeyeen taageerayaasha Kooxda Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*