RASMI: Luka Modric Oo Xaalka Ku Sii Xumeeyay Real Madrid Kadib Dhaawac Soo Gaadhay & Kulanka PSG Oo Uu Seegi Doono

Kooxda Real Madrid ayaa soo saartay warbixin xambaarsan war xun kadib markii ay xaqiijisay dhaawac soo gaadhay xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric kaas oo seegi doona kulanka Sabtida ee ay la ciyaari doonaan kooxda Levante kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Xilli uu tababare Zidane dib u helay dhamaan xiddigihii dhaawaca uga maqnaa sida Eden Hazard, Luka Jovic, Ibrahim Diaz waxa u soo baxay war xun oo sheegaya in uu Modric soo gaadhay dhaawac muruqa ah.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisay in ay maanta oo khamiis ah baadhitaan ku samaysya xiddiga khadka dhexe kuna ogaatay in uu dhaawac ka soo gaadhay muruqa lugta midig.

Modric ayaa ka qayb galay labadii kulan ee uu xulka qarankiisu ciyaaray kulamadii is reeb-reebka waxana uu wargayska MARCA sheegay in uu Modric ku dhaawacmay kulankii Isniintii.

Wargayska ayaa intaas ku daray in uu Luka Modric seegi doono kulanka Levante ee sabtida sidoo kale kulanka Champions League ee ay la ciyaari doonaan kooxda PSG.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*