RASMI: Liverpool Oo Dhaqan Galisay Heshiiskii Dookha Ahaa Ee Joel Matip

Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah u dhaqan galisay heshiiskii halka sano ahaa ee dookha ahaa ee ku jiray heshiiska Joel Matip sida ay sheegayaan wararku.

Daafaca dhexe ee Liverpool ayaa door muhiim ah ka ciyaaray kooxda Liverpool xilli ciyaareedkii hore ee ay Liverpool ku guulaystay champions League waxana ay kooxdu haatan ku abaalmarinaysaa qaab ciyaareedkiisa.

Heshiiska Matip ee haatan ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii uu saxiixay heshiis 4 sano ah markii uu 2016-kii kaga soo biiray kooxda Schalke.

Wargayska Athletic ayaa sheegaya in ay Liverpool dhaqan galisay heshiiskii halka sano ee dookha ahaa ee ku jiray heshiiska Matip iyada oo sidoo kale xiddiga ka saxiixan doonta heshiis kale oo wakhti dheer ah.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan muhiimadooda 1-aad ka dhigtay heshiis kordhinta xiddigaha kooxda halkii ay lacag galin lahayd suuqa kala iibsiga.

Matip ayaa ka mid ah xiddigaha ay Liverpool doonayso kn ay heshiis cusub ka saxiixato laakiin waxa ay kooxdu muhiimada 1-aad ka dhigtay xiddiga James Milner kaas oo ay doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixdo sidoo kale.

Milner oo 33 jirka ah ayaa sidoo kale xor noqon doona xagaaga dambe laakiin Reds ayaa haatanba wadadahdalo kula jirta wakiilka xiddiga

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*