RASMI: Lionel Messi Oo Xaqiijiyay In Uu Seegi Doono Valencia Muxuuse Ka Yidhi Fursdiisa Kulanka Borussia Dortmund?.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka Valencia ee todobaadka 4-aad ee horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Lionel Messi ayaan wali kooxda Barcelona kala qayb qaadan tababarka buuxa isaga oo ka soo kabsanaya dhaawaca soo gaadhay bilowgii xilli ciyaareedkan ilaa haatana wax kulan ah uma ciyaarin kooxdiisa xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa bilaabaysa kulamo adag xilli ciyaareedkan marka ay la ciyaari doonaan kooxda Valencia ka hor inta ayna la ciyaarin kooxda Borussia Dortmund kulan ka tirsan champions League.

Leo Messi oo la hadlaya Sport ayaa yidhi”Kulanka Valencia waxa aan hubaa in aanan ciyaari doonin kulanka Valencia waxa uu noqon doonaa kulan igu adag”.

“Laakiin waan eegi doonaa waxa dhaca kulanka Champions League iyo kulanka Granda”.

“Waxa aan dareemayaa xaal fiican, waxa aan dareemay in aan fiicanahay ka hor kulankii Real Betis laakiin dhakhaatiirta ayaa ii sheegtay in aan wali dhaawacanahay oo aanan ciyari karin kulamada”.

“Sidaas darteed kumaan khamaarin caafimaadkayga waxana aan ciyaari doonaa kaliya marka aan dareemo in aan fiicanahay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*