RASMI: Kadib Markii Laga Reebay Somalia, Xulalka Sida Rasmiga Ah Ugu Gudbay Wareega Xiga Ee Is Reeb-Reebka Koobka Adduunka

Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray kulamadii is reeb-reebkii hordhaca ah ee qaarada Africa ah ee koobka adduunka Qatar 2022 kaas oo la soo ciyaaray labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Xulka qaranka Somalia ayaa laga reebay is reeb-reebka inkasta oo ay kulankii hore guul gaadheen laakiin waxa ay guuldaro wakhti dambe ah kala kulmeen xulka qaranka Zimbabwe.

Xulalka ay jaarka yihiin Somalia ee Djibouti Iyo Ethiopia ayaa dhankooda iska xaadiriyay wareega xiga kadib markii ay guulo ka gaadheen labadii kulan ee ay ciyaareen.

Waxa is reeb-reebka hordhaca ah ee qaarada Africa ee koobka adduunka ka qayb gaalay 28 xul kuwaas oo ku dagaalmayay in ay boos ka samaystaan wareega xiga ee si reeb-reebka.

Waxa si Rasmi ah ugu gudbay is reeb-reebka wareega xiga 14 xul kuwaas oo ku biiri doona 26 xul oo horay loo sii go,aamiyay taas oo la macno ah in 40 xul ka qayb gali doonaan is reeb-reebka wareega xiga ee qaarada Africa ee koobka adduunka.

40-kaas xul ayaa loo qayb doonaa 10 Group iyada oo Group walba ka soo bixi doonaan 4-ta xul ee ugu sareya ka hor inta ayna soo hadhin 10 xul kuwaas oo ay ugu dambayn 5 xul ka soo hadhi doonaan kuwaas oo ka qayb gali doona koobka adduunka 2022.

Hadaba Halkan Hoose kaga bogo 14-ka xul ee ka soo hadhay is reeb-reebkii hordhaca ahaa ee la ciyaaray:

  1. Namibia
  2. Angola
  3. Guinea-Bissau
  4. Equatorial Guinea
  5. Rwanda
  6. Mozambique
  7. Zimbabwe
  8. Djibouti
  9. Liberia
  10. Sudan
  11. Malawi
  12. Ethiopia
  13. Tanzania
  14. Togo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*