RASMI: Ernesto Valverde Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Valencia, Miyuu Suarez Ku Jiraa?

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doona kooxda Valencia kulan ka tirsan todobaadkii 5-aad ee horyaalka La Liga.

Kooxda Barcelona ayuu mar kale ka maqan yahay kabtankooda Lionel Messi kaas oo kulanka ku seegi doona dhaawac uu la dhibaatoonayay todobaadyadii ugu dambeeyay.

Waxa sidoo kale Liiska ku soo baxay xiddiga Nelson Semedo kaas oo laga cabis qabay in uu dhaawac ku seego kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay waajibaadka xulka Portugal.

Waxa Liiska dib ugu soo laabtay xiddiga Luis Saurez kaas oo isna dhaawac uga maqnaa kooxdiisa kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga.

Waxa sidoo kale Liiska lagu arkay da,yarka saaran dibnaha taageerayaasha Barcelona ee Ansu Fati kaas oo mar kale fursad u heli doona in uu ciyaaro kulan kale oo horyaalka ah.

Image

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*