“Raheem Sterling Ayaa Ka Fiican Neymar Waana In Uu U Tartamo Abaalmarinta Ballon d’Or-ka”

Xiddiga Kooxda Man City iyo xulka qaranka England ee Raheem Sterling ayaa amaan weyn ka helay xiddigii hore ee kooxda Chelsea ee Tony Cascarino kaas oo u arka mid ka fiican xiddiga kooxda PSG iyo xulka qaranka Brazil ee Neymar.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa isaga oo dhaliyay 4 gool sidoo kale caawiye ka noqday mid kale xilli ciyaareedkan halka uu sidoo kale qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankii uu xulka qaranka England guusha weyn ka gaadhay xulka Bulgaria kulan ka tirsnaa is reeb-reebka Euro 2020.

Dhanka kale xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa ku soo laabtay goolasha kulankii uu xulka qaranka Brazil bar-baraha 2/2 ah la galay xulka Colombia kulan saaxiibtinimo ahaa laakiin Tony Cascarino ayaa aaminsan in uu Sterling ka fiican yaahy xiddiga kooxda PSG ee Neymar.

“Ayaad Doorbidi lahayd in aad kooxdaada ku haysato Neymar mise Sterling? Waxa aan doorbidi lahaa Sterling xiddig ahaan”.

“Marka aad iska indha tirto wax yaabaha la yaabka leh ee Neymar ku dhacay garoonka dibadiisa, waxan u malaynayaa in uu ciyaartoy ahaan Sterling Kaga fiican yahay Neymar garoonka dhexdiisa”.

“Xogtiisa ayaa ka fiican Neymar waxana uu u ciyaaraa koox fiican, waxa aan daawaday waxa uu Neymar sameeyaa waxyaabo uuna xididg kale samayn karin laakiin hadii aad doonayso xiddig maskax badan oo dhalinaya goolal xiddigaas ayaa ah Sterling”.

“Hadii uu Sterling sii wado qaab ciyaareedka fiican waxa uu noqon doonaa xiddiga ugu fiican adduunka waxana uu ku guulaysan karaa Ballon d’Or-ka”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*