PSG Oo Real Madrid Wajahaysa Iyada Oo Ay Ka Maqanyihiin Kylian Mbappe & Neymar

Xiddigaha Kylian Mbappe & Neymar ayaa seegi doona kulanka ay kooxda PSG la ciyaari doonto Real Madrid kulan ka tirsan champions League kulan dhici doona Arbacada.

Xiddiga reer Brazil ayaa kulanka muhiimka u ah kooxdiisa ku seegi doono ganaax 3 kulan ah oo dusha laga saaray xilli ciyaareedkii hore sabab la xidhiidha hadal uu ka sheegay garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulankii wareega 16-ka ee ay kaga hadheen tartanka kadib markii ay guuldaro kala kulmeen Man United.

Neymar ayaa ku soo laabtay kulankii sabtidii isaga oo ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay kadib markii uu xidhmay suuqii xagaagan isaga oo dhaliyay goolka guusha.

Mbappe ayaa dhanka kale dhaawac muruqa ah ku seegi doona inkasta oo uu todobaaadkii hore tababar kali ah qaatay waxana la filayaa in uu seego kulanka Real Madrid.

Dhanka kale Edison Cavani ayaan wali ka soo kabsan dhaawacii uuu qabay awoodna uma lahan in uu ku bilowdo shaxda taas oo kaliya Tababare Tuchel ku qasbaysa in uu ku bilowdo xiddiga Mauro Icard.

Keylor Navas ayaa la filayaa in uu ka hor tago kooxdiisii hore marka uu u ciyaari doono kooxda PSG kulankii ugu horeeyay ee champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*