Philippe Coutinho Oo Taariikh Cajiib Ah Ka Dhigay Yurub, Waa Mid Ayna Xitaa Ronaldo & Messi Dhigin

Xiddiga Phlippe Coutinho ayaa furtay Akoonkiisa Goolasha kooxda Bayern Munich kulankii ay Bayern Munich guusha weyn ka gaadhay kooxda FC Kolon kulan ka dhacay garoonka Allianz Arena kulan ka tirsanaa horyaalka Bundesliga.

Phlippe Coutinho ayaa noqday xiddigii 5-aad ee Taariikhda kubada cagta gool ka dhaliya 4 horyaal oo ka mid ah 5-ta horyaal ee ugu waaweyn qaarada yurub kadib markii uu goolal ka dhaliyay LaLiga Santander, the Premier League, Serie A & Bundesliga.

Xiddiga reer Brazil ayaa gool u badalay Rikoodhe loo dhigay kooxdiisa kulankii ay Bayern Munich guusha 4/0 ah ka gaadhay kooxda Fc Koln ee ka tirsanaa horyaalka Bundesliga.

Coutinho ayaa rikoodhkaas kula biiray xiddigaha Bojan Krkic, Kevin-Prince Boateng, Jonathan de Guzman & Obafemi Martins kuwaas oo 4-ta horyaal ee ugu waaweyn gool ka dhaliyay.

Xiddiga reer Brazil ayaa Italy gool ugu soo dhaliyay Inter Milan halka uu England ugu soo dhaliyay Liverpool ka hor inta uuna Spain uga soo dhalin Barcelona iyo Germany oo uu gool uga dhaliyay bayern Munich.

Rikoodhkan ayaa ah mid ayna xiddigaha ugu fiican adduunka ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo samayn maadama uu Messi waligiis joogay Barcelona sidoo kale Ronaldo wali ka ciyaarin horyaalka Germany.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*