Philippe Coutinho Oo Kashifay Wixii Uu Roberto Firmino U Sheegay Ka Hor Intii Uuna Ku Biirin Bayern Munich

Xiddiga Philippe Coutinho ayaa shaaca ka qaaday hadalii uu la qaatay xiddiga Liverpool ee Roberto Firmino ka hor intii uuna ku biirin kooxda Bayern Munich suuqii xagaagan.

Philippe Coutinho ayaa sheegay in uu Roberto Firmino kala hadlay jawiga Horyaalka Bundesliga ka hor intii uuna xagaagan ku biirin kooxda Bayern Munich.

27 jirka ayaa ku fashilmay kooxda Barcelona kadib markii uu ugu biiray 160 milyan oo euro kagana biiray Liverpool suuqii January 2018 waxana loo diray heshiis amaah ah.

Bayern Munich ayaa ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 8 milyan oo euro iyo mushaharka Coutinho ka hor inta ayna si toos ah ula wareegin xiddiga xagaaga hadii uu qaniyo.

Firmino ayaa saaxiib dhaw la ahaa Coutinho hadii ay tahay garoonka dibadiisa iyo gudihiisa intii ay wada joogeen Liverpool waxana uu siiyay talo ku saabsan horyaalka Bundesliga ka hor intii uuna ku biirin Bayern.

Xiddiga Liverpool ayaa 4 sano iyo badh ku soo qaatay Horyaalka Germany isaga oo u soo ciyaaray kooxda Hoffenheim ka hor intii uuna Liverpool ku soo biirin xagaagii 2015.

“Waxa aan Firmino kala hadlay jawiga Bundeliga iyo cadaadiska horyaalka”ayuu Coutinho u sheegay Bild.

“Waxa uu waxyaabo badan oo kala duwan iiga sheegay Kooxah Bundesliga”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*