Philippe Coutinho Oo Kashifay Fariintii Uu Jurgen Klopp U Diray Markii Uu Ku Biiray Bayern Munich

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa kashifay fariintii uu ka helay tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp kadib markii uu ku biiray kooxda Bayern Munich.

Xiddiga reer Brazil ayaa si weyn loola xidhiidhinayay ku laabashada premier League iyada oo ay jiraan warar sheegaya in uu doorbidayo in uu ku laabto kooxdiisii hore ee Liverpool.

Laakiin Coutinho ayaa ku biiray kooxda Bayern Munich isaga oo ugu biiray heshiis amaah ah oo dhan 8 milyan oo euro ka hor inta uuna 120 milyan oo euro ugu biirin si toos ah.

Klopp ayaana ku faraxay in uu xiddigiisii hore ku biiray kooxda Bayern Munich iyo waliba horyaalka Bundesliga.

“Waxa uu ii soo diray fariin uu Nasiib wacan iigu rajeedyay”ayuu Coutinho u sheegay Bild.

“Waxa uu ii sheegay in ay Bayern Munich tahay koox weyn horyaalka Bundesliga-na yahay horyaal fiican waliba aad ayuu ugu farxay in aan halka imid”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*