Pepe Guardiola Oo Haatanba Sii Magacaabay Tababaraha Shaqada Man City Ka Badali Doona Isagu Marka Uu Ka Tago

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa haatanba sii magacaabay tababaraha ka badali doona shaqada tababaranimo ee kooxda Man City marka uu isaga tago kooxda Citizen.

Tababaraha reer Spain ayaa City ku qaadanaya xilli ciyaareedkiisii 4-aad kadib Markii uu Man City kaga soo biiray kooxda Bayern Munich.

Tababare Guardiola ayaa sheegay in tababare ku xigeenkiisa haatan ee Mikel Arteta in uu noqon doono tababaraha shaqada Man City ka badali doona marka uu isaga tago kooxda.

Mikel Arteta ayaa iska diiday dalabyo badan oo uga yimid kooxo badan 14-kii bilood ee ugu dambeeyay si uu uga sii hoos shaqeeyo tababaraha ay isku dalka yihiin.

Markii la waydiiyay tababaraha xiga ee Man City kadib bixitaankiisa ayuu yidhi” Waxa aan xumaa in uu noqon doono Mikel Arteta, Waxana uu la gaadhi doonaa guulo waaweyn, Haa”.

“Waxa uu helay dalabyo kale oo uu uga tagi karo kooxda wuuna iska diiday waanan uga mahad celinayaa arintaas”.

“Wakhti dhaw waxa uu noqon doonaa tababaraha Man City wali waa da,yar waxa uu jiraa 37 sano waxana uu leeyahay khibrad uu kula dhaqmo xiddigaha waaweyn”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*