Pepe, Aubameyang Mise Lacazette? Dani Ceballos Oo Sheegay Xiddiga Ugu Fiican Kooxda Arsenal

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal ee Dani Ceballos ayaa si weyn ula dhacay tayada xiddigaha weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan kadib bilowgii xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Spain ayaa saamayn deg-deg ah ku yeeshay Arsenal tan ilaa markii uu Amaahda kaga soo biiray Real Madrid iyada oo ay taageerayaasha Arsenal fadhiga uga keceen kadib qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay kulankii Burnley isaga oo sidoo kale kooxdiisa ka caawiyay in ay bar-baro la gasho Tottenham ka hor fasaxii xulalka.

Ceballos ayaa u muuqda mid door muhiim ah ka ciyaari doona kooxda Arsenal marka loo eego in uuna Emery ku kalsoonayn xiddiga reer Germany ee Mesut Ozil.

Nicolas Pepe ayaa dhankiisa Arsenal ugu soo biiray heshiis rikoodh jabis ah isaga oo ugu soo biiray xagaagii lacag dhan 72 milyan oo euro si uu uga garab ciyaaro xiddigaha Pierre-Emerick Aubameyang & Alexandre Lacazette.

Inkasta oo uuna Pepe wali saamayn la sheegi karo ku yeelan kooxdiisa hadana Ceballos ayaa la dhacsan xiddiga reer Ivory Coast laakiin rumaysan in xiddiga ugu fiican Arsenal yahay Lacazette.

“Pierre-Emerick Aubameyang waxa aad bar-bar dhigi kartaa qaab ciyaareedka Cristiano Ronaldo markii uu joogay Real Madrid mar walba waxa uu ka ciyaaraa meel ku dhaw goolka waxana uu u nool yahay dhalinta Goolasha”ayuu Ceballos u sheegay Daily Mail.

“Pepe waa xiddig si toos ah u ciyaara laakiin Lacazette ayaa ah xiddiga ugu fiican ee Arsenal, waxa uu u fahmaa ciyaarta si fiican”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*