Pep Guardiola Oo Go,aan Ka Gaadhay In Uu Suuqa January La Soo Saxiixan Doono Badalka Laporte injury & In Kale.

Kooxda Man City ayay dhirbaaxo xun ku dhacday kadib markii uu dhaawac halis ah jilibka ka soo gaadhay daafaca ugu muhiimsan kooxda Man City ee Laporte injury kaas oo muddo dheer ka maqnaan doona garoomada.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa go,aansaday in uu suuqa Janaury u galo sidii uu ula soo wareegi lahaa daafac cusub marka loo eego in dhaawaca Laporte injury sabab u noqday in uu kaliya 2 daafac oo dhexe ku haysto kooxda.

Tababaraha Man City ayaa qorshaynaya in uu suuqa January la soo saxiixdo daafac cusub sida ay sheegayaan wararku.

Tababaraha ayaa si weyn uga wal-walsan kooxdiisa kadib dhaawacii Laporte injury ka soo gaadhay jilibka kulankii Brighton ee todobaadkan.

Xiddiga reer  France ayaa la filayaa in uu garoomada ka maqnaado muddo 4 bilood iyo wax ka badan ah taas ayaana la macno ah in uu Guardiola haysto kaliya Nicolas Otamendi & John Stones.

Inkasta oo uu Fernandinho badal u noqday xiddiga markii uu dhaawacmay kulankii Brihton hadana tababare Guardiola ayaa doonaya in uu la soo saxiixdo daafac cusub marka uu furmo suuqa January sida uu sheegayo wargayska Daily Mail.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*