Paul Scholes Oo Magacaabay Laba Saxiix Oo Uu Ole Gunnar Solskjaer Ugu Baahanyahay Man United

Halyeeyga Kooxda Man United ee Paul Scholes ayaa magacaabay laba saxiix oo uu u baahan yahay tababare Ole Gunnar Solskjaer si uu u xoojiyo kooxdiisa ugana dhigo koox u tartami karta koobabka ay ka qayb gasho.

Halyeeyga Man United ee Paul Scholes ayaa rumaysan in tababare Ole Gunnar Solskjaer u baahan yahay in uu la soo saxiixdo xiddig khadka dhexe ah iyo waliba weeraryahan cusub.

Solskjaer ayaa sameeyay go,aan uu xiddigaha Alexis Sanchez iyo Romelu Lukaku ku fasaxay suuqii xagaaga taas oo keentay in ay Man united haysato xiddigo badan oo weerarka ah oo khibrad leh.

United ayaan sidoo kale la soo saxiixan xiddiga khadka dhexe ah inkasta oo lala xidhiidhinayay xiddigaha Sean Longstaff iyo Declan Rice oo u kala ciyaara west Ham iyo Newcastle.

Scholes ayaana sheegay in ay Solskjaer tahay in uu la soo saxiixdo xiddigo uu ku xoojiyo boosaskaas.

Markii la waydiiyay in ay United u baahantahay in ay xoojiso khadka dhexe ayuu Scholes u sheegay BBC 5 Live” Haa Waxan u malaynayaa in ay arintaas muhiim ahayd muddo”.

“Waxan u malaynayaa in ay u baahan yihiin xiddig maamuli kara ciyaarta, Michael Carrick ayaa ahaa mid ku fiican shaqadaas”.

“Waxa ay haystaan xiddigo ku fiican khadka dhexe haatan sida Scott McTominay kaas oo run ahaantii qabtay shaqo fiican xilli ciyaareedkan”.

“Pogba waxa aan wada ognahay waxa uu qaban karo waa mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican adduunka booskaas laakiin waa in marka hore la hubiyo in uu doonayo in uu sii joogo kooxda”.

“Sidoo kale waxa aan aad uga wal-walsanahay dhanka weerarka, Waan ognahay waxa aan ka hadlay Mason Greenwood”.

“Waxa aan haysanaa Marcus and Martial – Weeraryahano toos ah miyaa mise waa xiddigo garabka ah? arintaas ma hubno”.

“Waxan u malaynayaa in ay United keento weeraryahanka fiican hadii ay doonayaan in ay ku tartamaan koobab”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*