“Neymar Waxa Uu Ciyaaraha Kaga Fadhiisan Doonaa PSG”.

Waxa ay u muuqataa in ayna hadal haynta Neymar joogsanayn xitaa hadii uu xidhmay suuqa kala iibsiga xagaagan isaga oo wali ah hadal haynta saxaafada iyo dadka shaqada ku leh ciyaaraha kubada cagta.

Madaxweynaha Horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa fikirkiisa ka dhiibtay fashilkii uu Neymar ku fashilmay in uu ku soo laabto horyaalka La Liga iyo kooxda Barcelona suuqii xagaaga.

Javier Tebas Oo la hadlaya wargayska AS ayaa yidhi” Waxan u malaynayaa in uu Neymar ciyaaraha kaga fadhiisan doono PSG, Soo Laabashadiisu waxa ay ahayd mid aan suurtagal ahayn suuqii xagaagan”.

“Ku biiristii Neymar ee PSG laba sano ka hor ayaa kubada cagta yurub waali ku riday sababta oo ah way adagtahay in ay koox xiddig ka bixiso lacag dhan 222 milyan euro iyo waliba mushahar sanadeed oo ku dhaw 27 milyan oo euro marka laga reebo lacagta cashuurta”.

Neymar ayaa Noqday xiddiga ugu qaalisan suuqa kala iibsiga kadib markii uu xagaagii 2017 lacag rikoodh ah ugu biiray kooxda PSG.

Xiddiga 27 jirka ah ee reer Brazil ayaa wax walba u sameeyay sidii uu ugu soo laaban lahaa kooxda PSG laakiin waxa uu ku fashilmay in uu mar kale xidho maaliyada Barcelona

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*