Neymar Oo Balan Qaad U Sameeyay PSG

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaan marnba joojin in uu dadka yaabsado isaga oo khamiistii u soo duulay Barcelona si maxkamad loo saaro sidoo kale la caweeyay saaxiibadiis oo uu ka mid yahay Arthur Melo isaga oo ku laabtay Paris kadib guul ku hogaamiyay kooxda kulankii ay 1/0 ka gaadheen kooxda Bordeaux waliba goolka guusha dhaliyay.

Ciyaarta kadib xiddiga reer Brazil ayaa la hadlay saxaafada waliba balan qaad u sameeyay taageerayaasha kooxdiisa ee PSG.

“Waan ku faraxsanahay in aan caawiyo PSG, Waxa fiican markay taageerayaashu ku garab taaganyihiin”ayuu yidhi.

“Waxa ay u muuqataa sida saaxiibtaa oo kale mararka qaar waad fiicantahay laakiin marka aad laabta is galisaan waxa jira jacayl badan, sidaas ayaa fiican”.

“Waxa aan doonayaa in aan wax walba u qabto PSG Waliba noloshayda u huro, waa kooxdayda iyo saaxiibaday u jeedkayguna waan in aan kooxda caawiyo waliba sii wado gool dhalinta”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*