Nabil Fekir Oo Kashifay Sababtii Uu Ugu Fashilmay In UU Ku Biiro Liverpool.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Real Betis iyo xulka qaranka France ee Nabil Fekir ayaa kashifay sababtii uu ugu fashilmay in uu ku biiro kooxda Liverpool xagaagii 2018.

Nabil Fekir ayaa shaaca ka qaaday in wakiilkiisii hore sabab u ahaa in uu ku fashilmo in uu ku biiro kooxda Liverpool.

26 jirkan ayaa si aad ah ugu dhawaadayy in uu ku biiro kooxda Jurgen Klopp kadib markii Reds ogolaatay in ay bixiso 53 milyan oo euro xagaagii 2018 laakiin Liverpool ayaa ka baxday heshiiska sabab la xidhiidha dhaawac jilibka ah oo uu qabay xiddiga khadka dhexe.

Fekir ayaa u baahday laba qaliin oo jilibka lugtiisa midig ah si uu uga soo kabsado dhaawaca oo haa mid uu laba xilli ciyaareed uga maqnaa.

Laakiin xiddiga reer France oo xagaagan ku biiray kooxda Real Betis ayaa sheegay in uuna dhaawacii uu ka qabay jilibku ahayn sababtii uu ku fashilmay heshiisku.

“Waxa laga sheegay been badan taas oo saamayn igu yeelatay”ayuu Fekir u sheegay L’Equipe.

“Gaar ahaan kuwii qoyskayga u sheegay, way i dhaawacday gaar ahaan marka aad ogtahay in waxa la sheegay been yihiin”.

“Wixii la sheegay ma ahan runta, jilibkaygu wuu fiicnaa, waxa aan maray baadhitaanka caafimaadka, jilibkayga xitaa lama soo hadal qaadin, hadii jilibkaygu yahay dhibaato madaxweynaha Lyon ayaa ii soo bandhigi lahaa heshiis aan ku sii joogo kooxda”.

“Laakiin waxa ugu xun ayaa ah in ay dadku sheegeen in sabab la xidhiidha qoyskayga heshiisku u dhici waayay laakiin waa been waana in aan la noolaado”.

“Ma waxa aad doonayaa Runta? anigu xitaa ma ogi, Runta ayaan kuu sheegayaa, waan maray tijaabada caafimaadka kadib Liverpool ayaa go,aansatay in ay isaga baxdo heshiiska, waxa ay doonayeen in aan rumaysto in ay dhibaatadu ahayd jilibkayga waxa ay doonayeen in ay helaan mar-marsiyo”.

“Tijaabadii caafimaadka ee aan maray waxa ay ahayd mid fiican jilibkayguna waxa uu ahaa mid fiican”.

“Laakiin wax dhibaato ah uma qabo Liverpool, waan wada kulanay si fiican ayaanan u wada hadalnay laakiin waxa aan isku hareereeyay dad khaldan aniga ayayna saamayn igu yeelatay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*