Mustaqbalka Philippe Coutinho Ee Bayern Munich Oo Haatanba Mugdi Galay & Hal Xiddig Oo Sabab U Ah

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich amaahdana uga maqan kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayuu durba shaki galay mustaqbalkiisa kooxda reer Geramny iyo hal xiddig oo sabab u ah.

Tababaraha Kooxda Bayern Munich ee Nico Kovac ayaa diiday in uu Philippe Coutinho ka garab ciyaarsiiyo xiddig kooxdiisa muhiim u ah xilli ciyaareedkan.

Niko Kovac ayaa sheegay in uuna xiddigii hore ee Liverpool ka garab ciyaarsiin doonin xiddiga reer Germany ee Thomas Muller.

Coutinho ayaa ku soo laabtay taam ahaansho buuxa isaga oo bartamihii todobaadkan ciyaaray kulankii ay Bayern Munich 3/0 uga badisay kooxda Red Star Belgrade tartanka champions League.

Muller ayaa badalay Coutinho daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta waxana la filayaa in ay arintaas dhacdo wax badan xilli ciyaareedkan labada xiddigna kulamo badan la isku badalo.

Muller ayaa gool dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta laakiin inkasta oo ay labada xiddig qaab ciyaareed fiican soo bandhigeen Kovac ayaa sheegay in uuna labada xiddig hal kulan ku wada ciyaari doonin.

“Muller iyo Coutinho waxa ay ka ciyaaraan No.10 waxa ay noqon doontaa shax wada weerar ah, waxana aan u baahanahay isku dheeli tirnaan”ayuu Kovac yidhi.

“Marna meesha kama saaro laakiin hoos ayaan u dhigayaa suurtagalniimadaas”

Arintaas ayaa la macno ah in uuna Coutinho si joogto ah ugu ciyaari doonin kooxda Bayern Munich sidii uu joogtada ugu ciyaari jiray Liverpool ka hor intii uuna kaga biirin Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*