Musaaricyahanka Sheamus Oo Difaacay Daafaca Liverpool Ee Andy Robertson Kadib Khaladkii Kulankii Napoli.

Musaaricyahanka Sheamus ayaa rumaysan in ay Liverpool ku guulaysan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan inkasta oo ay guuldaro kala kulmeen kooxda napoli kulankii champions League.

Musaaricyahanka WWE ee Sheamus ayaa ku kalsoon in ay Liverpool wali awood u leedahay in ay ku guulaystaan horyaalka premier League isaga oo sidoo kale difaacay Andy Robertson kadib guuldaradii Napoli.

Reds ayaa ku raaxaysanayay xilli ciyaareed cajiib ah laakiin waxa ay Salaasadii la kulmeen guuldaradii ugu horaysay ee xilli ciyaareedkan kadib markii ay Napoli dhabarka u saartay guuldaro champions League.

Laakiin Sheamus ayaa sheegay in ayna Liverpool guuldaradaas u noqon doonin xilli ciyaareedkan waxana uu u sheegay Express Sport” Waxa aan filayaa in ay Liverpool ku guulaysan doonto premier league, waxan u malaynayaa in ay horyaalka cajiib yihiin”.

“Kulankii Napoli maan daawan sababta oo ah waxa aan ku suganahay Japan laakiin waxa aan maqlay natiijada kadib ciyaarta”.

“Waxa aan aan sidoo kale maqlay in uu Robertson xidhay bogiisa Twitter-ka”.

“Waxan u malaynayaa in ay sabab u ahayd rikoodhadii uu galay taas oo waali ah marka loo eego in uu yahay xiddigaha ugu fiican Liverpool labadii sano ee ugu dambeeyay”.

“Waa arin la yaab leh marka aad fiican tahay cid walba way ku garab taagantahay laakiin waxa ay sugayaan kaliya inta aad khalad samaynayso si ay kuu weeraraan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*