“Mohamed Salah & Sadio Mane Waligood Kuma Guulaysan Doono Abaalmarinta Ballon d’Or, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah”

Xiddiga kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah ayaa la sheegay in uuna waligiis ku guulaysan doonin abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka si kasta oo uu qaab ciyaareed fiican u soo bandhigo.

Waxa sidaas aaaminsan Halyeeyga reer Cameroon ee Samuel Eto’o kaas oo sheegay in uuna Mohamed Salah ku guulaysan doonin abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka wax walba oo uu sameeyo sabab la xidhiidha in uu yahay xiddig ka soo jeeda qaarada Africa.

Salah ayaa qaab ciyaareed heer sare ah ku jira tan ilaa markii uu Liverpool kaga soo biiray Roma 2 sano ka hor isaga oo abaalmarinta gool dhaliyaha premier League ku guulaystay 2 sano oo xidhiidh ah sidoo kale Liverpool kula guulaystay tartanka champions league.

Si la mid ah Sadio Mane ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah sanadihii ugu dambeeyay isaga oo ka mid ah xiddigaha laf dhabarta u ah Liverpool kuna guulaystay gool dhalinta premier League xilli ciyaareedkii hore.

Samuel Eto’o oo la hadlaya FOX Sport ayaa yidhi” Xiddigaha ka soo jeeda qaarada Africa lama Ixtiraamo, waa xaqiiqo jirta laakiin waxa aan rajaynayaa in aan khaldanahay laakiin Abaalmarinta sanadkan ee Ballon d’Or kuma guulaysan doonaan Salah ama Mane”.

“Ma jirto sharaxaad laga badinayo in ay xiddigaha Mane, Salah ama Aubameyang ay ahaayeen gool dhaliyayaasha premier League laakiin waxa laga waayi doonaa 5-ta xiddig ee ugu saraysa”.

“Shaki la,aan Salah iyo Mane ma bar-bar dhigayo Ronaldo iyo Messi sababta oo ah kuwaas xiddigo awood leh laakiin ayaa ku guulaystay champions League?.

“Xilli Ciyaareedkan waa xilli ciyaareedkii Mane iyo Salah laakiin waxa dhacaya Anaga ayaa sabab u ah sidoo kale anaga ayaa ah dadka bahdilaya sharafta walaaladeen”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*