Messi & Suarez Oo Aan Wali Ku Soo Laaban Tababarka Kooxda Barcelona, Waa Sidee Fursadooda Ciyaarista Kulanka Valencia?

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa tababar sii siinaya xiddigaha uu ku haysto kooxda ee aan ku maqnayn waajibaadka xulalkooda iyada oo uu Junior Firpo yahay xiddigii ugu dambeeyay ee ku soo laabtay tababarka kooxda Barcelona.

Daafaca Bidix ayaa seegay kulankii ugu dambeeyay ee ay Barcelona la ciyaartay kooxda Osasuna sabab la xidhiidha dhaawac jilibka ah si kasta ha ahaatee waxa uu ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxdiisa.

Si kasta ha ahaatee Lionel Messi iyo Luis Suarez ayaa wali ka maqan tababarka buuxa ee kooxda Barcelona iyaga oo qaadanaya tababar kali ah.

Labada xiddig ayaa si fiican uga soo kabsnaya dhaawac soo gaadhay waxana laga yaabaa in ay seegaan Kulanka Valencia kadib fasaxa xulalka hadii ayna dib ugu soo laaban tababarka buuxa maalmaha soo socda.

Kadib markii ay qaateen maalmo yar oo fasaxa ah xiddigihii aan ka qayb ahyn xulalkooda ayaa ku soo laabtay tababarka isniintii Valverde ayaana sii wadi doona qiimaynta xiddigaha kooxdiisa todobaadkan xilli ay bilaaban doonaan champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*