Messi, Ronaldo,Mise Van Dijk? Sergio Ramos Oo Sheegay Xiddiga U Qalma In Uu Ku Guulaysto Abaalmarinta

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa fikirkiisa ka hadlay xiddiga u qalma in uu ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or ee sanadka 2019.

Daafaca reer Spain oo waraysi siinayay wargayska MARCA ayaa sheegay in uu daafaca kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk u qalmo in uu u guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or.

Virgil Van Dijk ayaa abaalmarinta kula tartami doona xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi kuwaas oo la filayo in ay mar kale u tartamaan abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka.

Daafaca reer Holland ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo Liverpool kula guulaystay tartanka champions League xilli ciyaareedkii hore.

Sergio Ramos oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” Virgil Van Dijk ayaa u qalma in uu ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka”.

“Hadii uu ku guulaysto Van Dijk waxa au la macno tahay in uu leeyahay tayo ku filan, in aad daafac ahaato way ka duwantahay kana adagtahay ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga ugu fiican”.

“Waxana ay u badantahay in uu tartan adag kala kulmi doona Ronaldo iyo Messi”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*