Martin Keown Oo Magacaabay Xiddig Horay Arsenal U Sii Joogay Oo Ka Fiican Saxiixa Ugu Qaalisan Gunners Ee Nicolas Pepe

Halyeeyga Kooxda Man United ee Martin Keown ayaa si lama filaan ah u magacaabay xiddig Arsenal horay u sii joogay oo ka fiican saxiixa ugu qaalisan kooxda Arsenal ee Nicolas Pepe kaas oo Gunner 72 milyan oo euro ugu soo biiray kooxda suuqii xagaaga.

Martin Keown ayaa sheegay in da,yarka Bukayo Saka uu u muuqday mid ka fiican xiddiga Nicolas Pepe kulankii ay Guunar 3/0 uga badisay kooxda Eintracht Frankfurt Kulan ka tirsanaa Europa League.

Daafacii hore ee Arsenal ayaa sameeyay qirasho ka yaabisay taageerayaasha Arsenal kadib markii uu Saka gool dhaliyay kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda 1-aad sidoo kale caawiye ka noqday goolashii ay dhaliyeen xiddigaha Joe Willock & Pierre-Emerick Aubameyang.

18 jirka ayaa ciyaaray 90 daqiiqo ee ciyaarta ah xilli uuna Pepe wali wax gool ah u dhalin Arsenal tan ilaa markii uu kaga soo biiray Arsenal.

“Waxa ay isku dayayeen in ay helaan xiddigo da,yar ah waxana ah heleen Saka”ayuu Keown u sheegay BT Sport.

“Waxa aad ka fikiraysaa qaabka uu Pepe u ciyaaro waxana ay ka soo bixiyeen 72 milyan oo euro waxana ay u muuqataa in uu da,yarku ka fiican yahay caawa”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*