Markii Uu Hore Mohamed Salah, Haatan…..?: Daawo Sadio Mane Oo Dagaal La Galay Xiddig Kale Oo Liverpool Ah Kadib Guuldaradii Napoli

Xiddiga kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa u muuqda mid caado ka dhigtay in uu la dagaalo xiddigaha ay isku kooxda yihiin kadib dhacdadii kulankii Burnley ee todobaadyo ka hor.

Mane ayaa kulankii Burnley si xoogan uga xanaqay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah isaga oo ugu xanaaqay in uu u dhigi waayay baas intii uu socday kulankaas.

Kadib kulankii Napoli intii lagu jiray tababarkii ay kooxda Liverpool isugu diyaarinaysay kulanka Chelea ee Axada ayuu Sadio Mane u muuqday mid mar kale dagaal la galay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Roberto Firmino.

Kadib markii ay orod dhamaysteen Mane, Firmino iyo wijnaldum ayuu u muuqday mid gacanta qabtay Firmino una muuqday mid xanaaqsan xilli uu Firmino iska gundhiyay Mane.

Arintan ayaa imanaysa todobaadyo kadib markii uu xiddiga reer Senegal si weyn uga xanaaqay in uuna Salah baas u dhigin xiddiga.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka sida ay Wax U Dheceen:

5 Comments

  1. Kķkkk waxaa qosol ah laacib.net haday been sheegayaan xataa waxaa la rabay inay been xiligeeda joogta sheegaan

    Video gaan wuxuu ka horeeyay ciyaartii napoli qofkii u baahan wuxuu ka heli karaa chanelka youtube ka ee liverpool

    Cinwaanka videogu waa inside training

    War iyo dhamaantiis laacib.net gar iyo gardaro waan ku wataa my favorite website keep going🙂

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*