Marcus Rashford Oo Ku Digtay Tababarihiisii Jose Mourinho Kadib Guushii Astana

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Marcus Rashford ayaa ku digtay tababarihiisii hore ee Man United ee Jose Mourinho kadib guushii ay Man United ka gaadhay kooxda Astana kulan ka tirsanaa tartanka Europa League.

Weeraryahanka kooxda Man United ee Marcus Rashford ayaa sheegay in ayna Man United ka badin lahayn Astana laba sano ka hor markii uu tababare jose Mourinho tababaraha u ahaa kooxda.

Kooxda Man United ayaa guul 1/0 ah gaadhay kulankii ugu horeeyay ee tartanka Europa League xilli ciyaareedkan kulan ka dhacay garoonka Old Trafford iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Mason Greenwood.

“Waxa ay ahayd koox ay adagtahay in la jabiyo daafacooda laakiin waxa ay muujisay marka dib loo eego laba sano ka hor in aanan ka badin lahayn”ayuu yidhi Rashford.

“Qof walba waxa uu filayay in aanu guul gaadhno iyo in uu kulanku noqdo mid fudud laakiin kooxda Astana ayaa u timid in ay guul gaadho waxa uu ahaa kulan adag”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*