Man City Mise Liverpool? Carragher Oo Saadaaliyay Kooxda Ugu Dhaw Ku Guulaysiga Premier League

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa Saadaaliyay Kooxda Ugu Dhaw Ku Guulaysiga Premier League xilli ciyaareedkan kadib markii la ciyaaray 4 kulan bishii ugu horaysay ee horyaalka.

Halyeeyga reer England ee Jamie Carragher ayaa aaminsan in ay kooxda Man City wali tahay kooxda ugu cad-cad ee ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa ku bilaabatay si fiican horyaalka iyaga oo haatan ah hogaamiyayaasha horyaalka kadib markii ay wada badiyeen dhamaan 4-tii kulan ee ay ciyaareen iyaga oo 2 dhibcood ka horeeya kooxda Man City.

Liverpool ayaa fursadii ku guulaysiga horyaalka iska lumisay xilli ciyaareedkii hore kadib markii ay Man City 2 dhibcood kaga qaaday horyaalka.

Jamie Carragher ayaa u muuqda mid aan ku kalsoonayn kooxdiisii hore waxana uu wali kooxda Pep Guardiola u saadaaliyay in ay ku guulaysan doonto horyaalka markii 3-aad oo xidhiidh ah.

Jamie Carragher oo la hadlaya shabakada caalamiga ah ee Goal ayaa yidhi” Waxan u malaynayaa in uu wakhti aad u bilow yahay walina sugno ilaa ciida gaalada”.

“Waxa aan dareemayaa wal-wal inta lagu jiro wakhtiga ciida gaalada, waxana u malaynayaa in ay Man City tahay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka sababta oo ah waa kooxda ugu fiican premier League waxana ay arintaas muujiyeen xilli ciyaareedkii hore”.

“Laakiin waxa u malaynayaa in ay Liverpool garaaci karto Man City laakiin waxa ay u baahantahay wax weyn si ay arintaas u samayso”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*