“Man City Kuma Guulaysan Karto Horyaalka”- Halka Sabab Ee Ay Liverpool Horyaalka Ugu Garaaci Karto Man City Xilli Ciyaareedkan

Horyaalka Premier League ayaa maraya meel xiiso leh inkasta oo kaliya 5 kulan laga ciyaaray xilli ciyaareedka cusub ee 2019/2012 iyada oo kooxda Liverpool tahay kooxda hogaaminaysa horyaalka iyaga oo dhamaan guul wada gaadhay kulamadii ay ciyaareen.

Khabiirka Jason Cundy ayaa Liverpool u saadaaliyay in ay sanadkan Man City ku garaacdo horyaalka premier League iyaga oo ka faa,iidaysanaya dhaawacyada ku habsaday kooxda Man City xilli ciyaareedkan.

Jason Cundy ayaa sheegay in ay Liverpool ka daafac fiicantahay kooxda Man City iyaga oo ku guulaysan doona horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa si fiican ku bilaabatay tartanka xilli ciyaareedkan iyaga oo guul gaadhay 5-tii kulan ee ay ilaa haatan ciyaareen premier League.

Waxana ay haatan 5 dhibcood ka horeeyaan kooxda Kaalinta 2-aad ku jirta ee Man City.

City ayay ka dhaawacmeen daafacyada Aymeric Laporte & John Stones iyada oo uu daafaca reer France garoomada ka maqnaan doono muddo 5 ilaa 6 bilood ah.

Taas ayaa la macno ah in ay Man City kaliya haysato daafaca Nicolas Otamendi oo ah daafaca dhexe ee kaliya ee pepe Guardiola.

Cundy ayaan rumaysnayn in Nicolas Otamendi yahay mid fiican kadib qaab ciyaareedkii xumaa ee uu soo bandhigay Sabtidii kulan ka tirsanaa premier League.

Waxana uu Liverpool ku taageeray in ay arintaas ka faa,iidaystaan kuna guulaystaan horyaalka premeir League.

“Hadii uu Nicolas Otamendi u ciyaari lahaa Norwich, Miyaan odhan lahayn in ay Man City u dhaqaaqdo saxiixiisa? ayuu Cundy u sheegay talkSPORT.

“Uma malaynayo in aan odhan lahayn, ma hubo in uu Otamendi fiican yahay”.

“La,aanta Laporte, Man City kuma guulaysan karto premier League, Laporte waa daafacyada ugu fiican”.

“Waxa ay lumiyeen Vincent Komapany Liverpool-na way ku guulaysan doontaa horyaalka xilli ciyaareedkan”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*