Madaxweynaha Real Madrid Oo Sharaxay Sababtii Ay Ula Soo Saxiixan Waayeen Fernandes Neymar & Pogba

Madaxweynaha Kooxda Real Madrid ee Florentino Pérez ayaa ugu dambayn kashifay sababtii ayna kooxdiisa Real Madrid ula soo saxiixan xiddigaha Paul Pogba, Bruno Fernandes iyo Neymar kuwaas oo si weyn loola xidhiidhinayay suuqii xagaaga ee dhawaan xidhmay.

Real Madrid ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba kaas oo uu tababare Zidane si shaqsi ah u dalbaday in loo keeno kooxda.

Laakiin Florentino Pérez ayaa sheegay in ayna kooxda Man United doonayn in ay iibiso Paul Pogba intii lagu jiray suuqa kala iibsiga xagaaga sidaas darteed ayna kooxdiisu waxba ka qaban karin arintaas.

Florentino Pérez oo dhanka kale ka hadlaya wararkii la xidhiidhinayay Neymar ayuu yidhi”Waxa aan la soconay xaalada Neymar iyo Bruno Fernandes laakiin taas lama macno ah in aanan xagaaga dambe u dhaqaaqi doonin saxiixooda”.

Perez ayaa hadalkiisa ku soo xidhay”Maanu galin lacag kale suuqii xagaagan kadib markii aan samaynay 5 saxiix waxana aan haysanaa koox fiican”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*