Luka Modric Oo Lagu Soo Waramayo In Uu Isaga Tagayo Real Madrid Xagaaga Dambe & Horyaalka Uu Ku Wajahan Oo Haatanba La Ogaaday

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa lagu soo waramayaa in uu ku jiro bilihii ugu dambeeyay ee kooda Real Madrid xilli la sheegayo in uu xiddiga reer Croatia doonayo in uu isaga tago kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareekan.

Luka Modric ayaa Los Blancos ku soo biiray xagaagii 2012/2013 isaga oo 40 milyan ugaga soo biiray kooxda Tottenham waxana uu noqday xiddigaha ugu fiican kooxda Real Madrid.

Luka Modric ayaa ku guulaystay abaalmarino shaqsi ah xilli ciyaareedkii hore isaga oo noqday xiddigii ugu fiicnaa yurub, adduunka iyo waliba Ballon Do’Or-ka oo uu ku guulaystay.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Croatia go,aansaday in uu isaga tago kooxda Real Madrid dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo ku wajahan horyaalka Serie A-da.

Inter Milan oo uu hogaaminayo tababare Antonio Conte ayaa ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ka ciyaara.

Heshiiska xiddiga 34 jirka ah ayuu heshiiskiisa haatan ee kooxda Real Madrid dhici doona xagaaga 2020 taas oo la macno ah in uu koox kasta oo uu doonayo ku biro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*