Liverpool Oo Sadio Mane Ka Dhigaysa Xiddiga Ugu Mushaharka Badan Kooxda & Faah-Faahinta Heshiiska Oo La Ogaaday

Kooxda Liverpool ayaa diyaarinaysa heshiis cusub oo ay ka saxiixato xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxdeeda ee Sadio Mane inkasta oo ay bishii November ee hore ka saxiixatay heshiis cusub.

Heshiiska Sadio Mane ee haatan ayaa dhacaya xagaaga 2023 isaga oo todobaadkii u qaata lacag dhan 170 kun oo Gini todobaadkii.

Laakiin Liverpool ayaa doonaysa in ay xiddiga ka saxiixato heshiis gaadhaya ilaa xagaaga 2025 iyaga oo diyaar u ah in ay mushaharkiisa kor ugu qaadaan 250 kun oo Gini todobaadkii iyo 13 milyan oo euro sanadkii.

Hadii uu Sadio Mane aqbalo heshiiskaas waxa uu noqon doonaa xiddiga ugu mushaharka badan kooxda isaga oo ka horayn doona xiddigaha Mohamed Salah (226,000 kun oo Gini todobaadkii) & Virgil van Dijk (205,000 kun oo Gini todobaadkii).

Sadio Mane ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda isaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda isaga oo ilaa haatan dhaliyay 6 gool oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*