Liverpool Oo Mar Kale Ku Digatay Barcelona & Champions League Oo Sabab U Ah

Kooxda Liverpool ayaa mar kale ku digatay kooxda Barcelona iyada oo Reds ugu digatay Barcelona barta bulshada ee Twitter-ka kadib markii boga Twitter-ka iyaga oo ka jawaabay su,aal uu Boga Twitter-ku soo dhigay.

Kooxda Barcelona ayaa guuldaro ceeb ka soo gaadhay kala kulantay Anfield kulan ka tirsanaa lugta 2-aad iyaga oo kooxda Barcelona ku fashilantay in ay ka faa,iidaystaan guushii 3/0 ahayd ee ay ku gaadheen Camp Nou.

Bogga Twitter-ka ee champions League ayaa soo dhigay qoraal sawir la socdo oo ay qoreen” Koornadii ugu fiicnayd champions League waxa ay ahayd…..?.

Bogga Twitter-ka Liverpool ayaa ugu jawaabay sawir dhaq-dhaqaaqaya oo ah goolkii 4-aad ee ay Liverpool ak dhalisay Barcelona champions League.

Daafaca Liverpool ee Arnold ayaa sameeyay khiyaamo isaga oo baas taariikhda galay oo lama filaan ah u dhigay Origi kaas oo isna shabaqa dhex dhigay kubada Liverpool-na ku hogaamiyay guul taariikhi ah.

1 Comment

  1. Hhhh waa guul taariikhiya runtii waa mid lalayaabo
    Lkn inta ay ciyaaru soodhicin kahor waxaan saadaliyey inay ku dhamanayso ciyartu 4-0
    Naziib wanag way ku dhamaatay
    Lkn corner hii uu kugaaday A.Arnaldo ayaa ilaa hada lahadal hayaa
    Barcelona
    Borussia dortanmund ayaa iyana pogeeda tweets ka soo dhigay sa goal kaas iyagoo uboteynaya Barcelona Oo leh kuwan anaguna waan ku gaadaynaa corner war iska ilaaliya dortamund

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*