Liverpool Oo Ka Warbixisay Xaalada Dhaawac Ee Alisson Becker, Divock Origi & Naby Keita

Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa kulan muhiim ah oo ay Axada la ciyaari doonto kooxda Chelsea kana tirsan todobaadkii 6-aad ee horyaalka premier League kulan ay Reds doonayso in ay sii wado rikoodhkeeda cajiibka ah ee premier League.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ee Naby Keita si buuxda ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawacii soo gaadhay kulankii UEFA Super Cup-ka.

Tababare Klopp oo la hadlaya saxaafada ka hor kulanka chelsea isaga oo ka warbixinaya xaalada dhaawac ee xiddigaha kooxdiisa ayuu yidhi”Naby Keita waxa uu maanta si buuxda ugu soo laabtay tababarka markii ugu horaysay”

Tababaraha oo wax laga waydiiyay xaalada Goolhaye Alisson ayaa yidhi” Alisson waxa uu sameeyay horumar weyn, waxa uu shalay tababar la qaatay tababaraha goolhayayaasha laakiin wali kumuu soo biirin tababarka buuxa ee kooxda”.

Klopp oo ka hadlaya xaalada Origi ayaa yidhi” Ma ciyaari doono kulanka Axada laakiin meesha kama saari karo guud ahaan in uu ciyaaro”.

2 Comments

  1. 👏👏👏👏👏👏👏👏👏 JURGEN KLOOP 👏👏👏
    Waa oky hadii uu mid lasoo kaco dhaawac naby kieta wax uu ahaa hormuudka kooxda Liverpool sidoo kle waan kufaraxsanahay inaan helno goalkeeper kenij Allison oo soo kacay sorry ORIGI

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*