Liverpool Oo Bartilmaameedsanaysa Xiddig Ay Arsenal Iska Caydhisay Oo Kulan Kaliya 5 Gool Dhaliyay

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay il gaar ah ku hayn doonto xiddig ay Arsenal iska caydhisay oo wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan waliba kulan kaliya 5 gool dhaliyay kulan Rasmi ah xilli ciyaareedkan.

Kooxda Liverpool ayaa bartilmaameedsatay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSV Eindhoven ee Donyell Malen oo ay Arsenal iska fasaxday 2 sano ka hor.

Da,yarka ayaa 5 gool dhaliyay kulan ay kooxdiisu 5/0 ku garaacday kooxda Vitesse todobaadkii hore isaga oo ilaa haatan dhaliyay 11 gool tartamada oo dhan inkasta oo uu xilli ciyaareedku bilow yahay.

Malen ayaa Arsenal ku qaatay muddo sanad ah kadib markii uu muddo 8 sano ah ku qaatay Akademiyada kooxda Ajax.

Xiddiga ayaa doortay in uu ku biiro Arsenal inkasta oo ay Man united iyo Chelsea doonayeen saxiixiisa isaga oo ugu biiray Arsenal sabab la xidhiidha halyeeyadiisa Thierry Henry & Dennis Bergkamp.

Malen ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda 1-aad u saftay 2017 kulan saaxiibtinimo ahaa oo ay ku ciyaaraysay Australia iyo shiinaha waxana ay isla sanadkaas 500 kun oo Gini kaag iibisay kooxda PSV.

Xiddiga ayaa da,yarka Arsenal u dhaliyay 27 gool 67 kulan oo uu u ciyaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*