Leicester City Oo Rajo Gilisay Kooxaha United Iyo Liverpool, James Maddison Ayay Go`aan Ka Gaareen

Tababraha kooxda Leicester City ee Brendan Rodgers ayaa cadeeyay in naadigiisa uu diyaar u yahay in ay iibiyaan qadkooda dhexe ee James Maddison waa haddii dalab weyn laga keeno saxiixiisa .

Laacibkaan ayaa soo bandhigaya heer ciyaared aad u wacan waxaana si weyn u dooneysa United xilli Liverpool-na ay qeyb ka tahay baacsigaas waxaana dhawaan looga yeeray qaranka Ingiriiska

Brendan Rodgers ayaa shabakadda Goal ka sheegay ” inkastoo aynu dooneyn in aan iska iibinno xiddigaha wax ku oolka ah hadana waa qasab in aan dhinacyo kala duwan wax ka eegno”

“Haddii Maddison laga keeno dalab weyn oo u qalma laacibka waa hubaal diyaar ayaan u noqoneynaa in aan wada xaajood ka furnmo”.

” James Maddison waa xiddig cajiib ah weli mustaqbal weyn ayaa hor yaal sidaas oo ay tahay waan dooneynaa in aan sii haysanno haddii ay suura galeyso” ayuu sii raaciyay tababare Brendan Rodgers

Dhanka kale laacibka oo ka hadlayay xiisaha loo qabo ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in uu leeyahay awoodo uu ugu ciyaari karo koox waliba

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*