La Ogaaday: PSG & Man United Oo Ka Heshiiyay Saxiixa Paul Pogba, Xiddiga Oo Heshiiska Shaqsiga Ah La Gaadhay PSG, Faah-Faahinta Heshiiskii Uu Ugu Biiri Lahaa & Qaabkii Uu Neymar U Fashiliyay Heshiiska Oo La Ogaaday

Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba aad ugu dhawaa in uu ku biiro kooxda PSG intii lagu jiray suuqii kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer France ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu isaga tagayo Red Devils intii lagu jiray suuqii xagaaga iyada oo lala xidhiidhinayay kooxda Real Madrid.

Shabakada CalcioMercato ayaa sheegaya in kooxda PSG ahayd kooxdii ku dhawayd saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba suuqii xagaaga.

Warka ayaa intaas ku daraya in ay kooxda ku guulaystay Horyaalka Ligue 1 heshiis kala gaadhay saxiixa xididga kooxda Man United iyaga oo isku af gartay lacag dhan 150 milyan oo euro ka hor intii uuna suuqu xidhmin.

Sidoo kale warka ayaa sidoo kale sheegaya in uu xiddiga reer France heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda PSG Isaga oo ogolaaday heshiis uu todobaadkii ku qaadanayo lacag dhan 429 kun oo Gini una dhiganta 25 milyan oo sanadkii ah.

Si kasta ha ahaatee heshiiska ayaa bur-buray sabab la xidhiidha in uuna Neymar ka tagin kooxda PSG kaas oo doonayay in uu ku biiro kooxda Barcelona xagaagii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*