Kooxaha Arsenal & Man United Oo Qorshaynay In Ay Weerar Dhanka Suuqa Ah Ku Qaadaan Barcelona Suuqa January

Kooxaha Arsenal & Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayaan in ay weerar suuqa ah ku qaadaan kooxda Barcelona marka la gaadho suuqa January.

Kooxaha premier League ayaa doonaya in ay ka faa,iidaystaan rabitaanka barcelona ee ah in ay iibiso xiddigo si ay isku day kale u samayso si ay u hesho saxiixa Neymar.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Arsenal Xiiso u qabto saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Barcelona ee Samuel Umtiti halka ay Man United xiiso u qabto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Ivan Rakitic.

Arsenal ayaa daafaceeda ku xoojisay suuqii Xagaaga iyada oo la soo saxiixatay daafaca Bidix ee Kieran Tierney iyo waliba labada daafac ee dhexe ee David Luiz & William Saliba.

Laakiin Xiddigii hore ee chelsea Luiz ayaa ku dhibaatooday Arsenal halka uu Saliba amaah ugu maqan yahay kooxdiisii hore ee Saint-Etienne.

Umtiti ayaa dhankiisa ku dhibaatoonaya in uu boos ka helo isaga oo ka dambeeya xiddigaha Gerard Pique & Clement Lenglet kuwaas oo joogto ugu ciyaara kooxda.

Dhanka kale Man United ayaa raadinaysa xiddigo khadka dhexe ah kadib bixitaankii Ander Herrera oo si xor ah ugu biiray kooxda PSG kadib markii uu dhacay heshiiskiisu.

Kooxda Old Trafford ayaa sidoo kale ka cabsi qabta in ay waydo Paul Pogba marka la gaadho suuqa January kaas oo ay Real Madrid diyaarinayso dalab cusub.

Rakitic ayaa dhankiisa aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Barcelona waxana uu xiiso ka helayaa tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*