Juventus Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Verona & Aaron Ramsey Oo Furtay Akoonkiisa Goolasha

Kooxda Juventus aya guul dirqi ah oo soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Verona kulan ka tirsanaa todobaadkii 4-aad ee horyaalka Serie A-da xilli uu Goolhaye Buffon qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay.

Kooxda Verona ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo Juventus ku qaadayay weeraro rogaal celis ah oo halis ah oo ay ku doonayeen goolal xilli uu Buffon sameeyay badbaadino waali ah.

Daqiiqadii 19-aad ayay kooxda Verona heshay rikoodhe laakiin xiddigii laaganayay ayaa kubada birta ku dhuftay halka xiddigii ku celiyay oo Verona ahaa uu sidoo kale birta sare ku dhuftay.

Si kasta ha ahaatee daqiiqadii 20-aad ayuu xiddiga Miguel Veloso gool kantaal ah ka dhaliyay Juventus kadib kubad ay iska soo saareen daafacyada kooxda Juventus.

Juventus oo hurdada ka kacday ayaa daqiiqadii 31-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddigii hore ee kooxda Aaron Ramsey kaas oo bar-baro 1/1 ah ka dhigay ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah xilli ay kooxda Veron soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.

Qaybtii dambe ayay Juventus si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo raadinayay goolka hogaanka ciyaarta ay ugu qaban lahaayeen.

Daqiiqadii 49-aad ayay Juventus heshay rikoodhe iyaga oo uu u istaagay xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo gool u badalay hogaankana u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus gaadhay guul soo laabasho leh oo ay guul muhiim ah ugu gaadhay kadib 2 bar-baro oo ay gashay horyaalka iyo champions League

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*