Inkasta Oo Laga Badiyay Hadana Xulka Somalia Oo Laga Soo Dhex Doortay Xiddigii Ugu Fiicnaa Kulankii Zimbabwe, Waa Kuma?

Xulka qaranka Somalia ayaa laga reebay is reeb-reebka koobka adduunka kadib markii ay guuldaro kala kulmeen xulka qaranka Zimbabwe kulan ka tirsanaa lugtii 2-aad ee kulanka.

Xulka Somalia ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed daafac ah iyaga oo si fiican u ilaashaday shabaqooda qaybtii hore ee ciyaarta kana hor istaagay xulka Zimbabwe in ay gool dhaliyaan.

Inkasta oo ay guuldaro la kulmeen hadana xulka qaranka Somalia ayaa laga dhex doortay xiddigii ugu fiicnaa ciyaarta ugu fiicnaa kadib markii ay ciyaartu dhamaatay.

Goolhayaha xulka qaranka Somalia ee Said Aweys Ali ayaa loo doortay xiddigii ugu fiicnaa ee ciyaarta kadib badbaadino cajiib ah oo uu sameeyay intii ay socotay ciyaartu.

Said Aweys Ali ayaa la odhan karay waxa uu ahaa xiddigii kaliya ahaa ee la ciyaaray xulka Zimbabwe kadib qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee uu soo bandhigay.

Goolhayaah ayaa sameeyay badbaadino heer sare ah oo xitaa ka yaabeen xiddigihii ka soo hor jeeday marka loo eego sida uu u badbaadiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*