Hordhac: Wolves Vs Chelsea: Blues Oo Dhankeeda Raadinaysa Guusheedii 2-aad Ee Xilli Ciyaareedkan

Kooxda Chelsea ayaa ciyaari doonta kulan aad u adag marka ay booqan doonto kooxda Mayalka adag ee Wolverhampton Wanderers kulan ka tirsan todobaadkii 5-aad ee horyaalka premier League.

Chelsea iyo Frank Lampard ayaa kulanka soo galay iyaga oo raadinaya guushoodii 2-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan iyo in ay ku soo laabtaan wadada guulaha.

Laakiin waxa ay ka hor tagayaan kooxda Wolves oo raadinaysa guusheedii ugu horaysay kadib 3 bar-baro iyo guuldaro soo gaadhay tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Wolves Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00 Galabnimo

Garoonka: Molineux Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

13-kii kulan ee hore ee heerka 1-aad ee dhexe maray kooxaha Wolves iyo chelsea ee ka dhacay garoonka Molineux Stadium ayaan ku dhamaan bar-baro iyada chelsea badisay 6 ka mid ah kulamadaas iyada oo ay ku jirto 5 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay inkasta oo ay Wolves badisay 2 ka mid ah 3-dii kulan ee ugu horeeyay.

Raul Jimenez ayaa chelsea ka dhaliyay labadii kulan ee xilli ciyaareedkii hore ee horyaalka premier League waana xiddiga kaliya ee sidaas sameeyay.

Tammy Abraham ayaa noqon kara kaliya xiddigii 3-aad ee jira 21 sano ama ka yar ee dhaliya ugu yaraan 2 gool 3 kulan oo xidhiidh ah oo premier League ah tan ilaa Cristiano Ronaldo December 2006, & Dele Alli January 2017.

Jorginho ayaa bilaabay baas furan oo ku dambeeyay laad kulamadii ilaa haatan la ciyaaray waana xiddiga kaliya ee sidaas sameeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*