Hordhac: West Ham Vs Man United: Red Devils Oo Doonaysa In Ay Sii Wado Guulaha Premier League

Kooxda Man United ayaa u safrid doonta London si ay ula ciyaarto kooxda West Ham kulan ka tirsan todobaadkii 6-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka London Stadium.

Kooxda Man United ayaa booqan doonta West Ham oo ay farqiga goolasha kaga dambeeyaan xilli ayna West Ham guuldaro la kulmin tan ilaa kulankii ugu horeeyay ee premier League.

Kulanka: West Ham Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 4:00 Galabnimo

Garoonka: London Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

West Ham ayaa badisay 2 ka mid ah 4-tii kulan ee ay garoonka London Stadium kula ciyaartay Man United taas oo ah in ka badan intii ay ka badiyeen 19-kii kulan ee ay marti galiyeen United tartanka.

Man United ayaa goolal badan ka dhalisay West Ham iyaa oo ah goolal ka badan koox kasta oo ay ka hor tagtay premier League iyaga oo ka dhaliyay 94 gool iyaga oo sidoo kale ugu yaraan ka dhaliyay 2 gool 21-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Marcus Rashford ayaa si toos ah ugu lug lahaa 4 gool 351 daqiiqo oo uu ka hor tagay West Ham Premier League waxana uu caawinta ugu badan ku sameeyay kooxda West Ham 3 caawin.

Manuel Pellegrini ayaa kulan premier League ah garaacay iyada oo ay hogaaminayaan 3 kulan oo kala duwan kuwaas oo kala ah David Moyes, Louis van Gaal & Jose Mourinho waxana uu noqon karaa tababarihii ugu horeeyay ee United ku garaacay 4 tababare oo kala duwan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*