Hordhac: Real Madrid Vs Levante: Los Blancos Oo Rikoodh Liita Ku Leh Garoonkeeda Horyaalka La Liga Kulamadii Ugu Dambeeyay

Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Levante kulan ka tirsan todobaadkii 4-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoonka Santiago Bernabéu Stadium.

Kooxda Real Madrid ayaa raadinaysa in ay guul gaadho La Liga markii ugu horaysay tan ilaa bilowgii horyaalka marka ay marti galinayaan kooxda Levante.

Los Blancos ayaa badisay hal kulan 2 kalena bar-baro gashay 3-dii kulan ee ay ciyaartay horyaalka waxana ay haatan ku jirtaa kaalinta 5-aad iyaga oo hal dhibic ka dambeeya kooxda Levante ee ku jirta kaalinta 4-aad kuwaas oo laba kulan guul gaadhay 3-dii ulan ee ay ciyaareen.

Kulanka: Rela Madrid Vs Levante

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 2:00 Duhurnimo

Garoonka: Santiago Bernabéu Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Real Madrid ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Levante kaga hor tagaan La Liga (2 bar-baro iyo 1 guuldaro) kadib markii ay 9 kulan oo xidhiidh ah ka badiyeen kulamadii ka horeeyay intaas.

Kaliya 4 kooxood ayaan guuldaro kala kulmin Real Madrid garoonkeeda Santiago Bernabue horyaalka La Liga waana Levante, Barcelona, Atletico Madrid iyo Real Betis.

Real Madrid ayaan wax guul ah gaadhin 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga ay ku ciyaartay garoonkeeda (Hal Bar-Baro iyo Hal guuldaor) markii ugu dambaysay ee ay muddo dheer wax guul ah ku gaadhin garoonkeeda ayaa ahayd 2017/2018 markaas oo ay 2 bar-baro iyo hal guuldaro la kulmeen.

Kadib markii ay badiyeen 6 ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti ahaayeen La Liga intii uu hogaaminayay tababare Paco Lopez, Levante ayaa kaliya badisay 2 kulan 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee La Liga.

Real Madri ayaa ka mid ah 2 kooxood oo goolasha ugu badan ka dhaliyay meel ka baxsan dilinta 18-ka xilli ciyaareedkan waxana ay ka dhaliyeen 2 gool oo ay u dhaliyeen Karim Benzema iyo Toni Kroos.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*