Hordhac: Man United Vs Leciester City: Red Devils Oo Raadinaysa Guusheedii 2-aad Ee Horyaalka

Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda Leicester City kulan ka dhici doona garoonka Old Trafford kulan ka tirsan todobaadkii 5-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Man United ayaa kulanka soo galaya iyaga oo raadinaya guushoodii ugu horaysay 3 kulan kadib iyo guushii 2-aad ee premier League ee xilli cyaareedkan.

Dhanka kale Leicester City oo aan wali wax guuldaro ah la kulmin kuna jirta kaalinta 3-aad ee kala saraynta premier League ayaa doonaysa in ay sii wadato rikoodhkeeda cajiibka ah.

Kulanka: Man United Vs Leicester City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 5:00 Galabnimo

Garoonka: Old Trafford.

Kadib markii ay badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 4-tii kulan ee ugu horeeyay ee premier League ee garoonkeeda ah ee ay la ciyaartay Leicester City (2 bar-baro iyo 1 guuldaro), Mna United ayaa badisay 8 ka mid ah 9 kulan iyaga oo hal kulan oo kale bar-baro galay.

Leciester City ayaa guuldaro la,aan ahaan karta 5-ta kulan ee ugu horeeya premier League kaliya markii 2-aad 19-kii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay markii hore ee ay 5-tii kulan ee ugu horeeyay badiyeen horyaalka ayaa ahayd xilli ciyaareedkii ay ku guulaysteen horyaalka premier League.

Marcus Rashford ayaa dhaliyay 3 gool oo premier League ah kulamada uu ka hor tagay Leicester City waana kooxda ugu badan ee uu sidaas ku sameeyay.

Kulankii kaliya ee hore ee uu Brendan Rodgers guul kala baxay Old Trafford ayaa ahayd guushii 3/0 ahayd ee markii uu hogaaminayay Liverpool bishii March 2014 waxana uu noqon karaa tababarihii 3-aad ee Man United guul kaga gaadha 2 kooxood oo kala duwan kadib markii ay sidaas horay u sameeyeen Martin O’Neill (Leicester & Aston Villa) Iyo Rafael Benitez (Liverpool & Chelsea)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*