Hordhac: Liverpool Vs Newcastle: Reds Oo Isku Qori Karta Taariikhda Premier League

Kooxda Liverpool ayaa furi doonta todobaadka 5-aad ee horyaalka premier League marka ay marti galinayso kooxda Newcastle kulan ka dhici doona garoonkeeda Anfield.

Liverpool ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u sii wadan lahayd rikoodhkeeda fiican ee xilli ciyaareedkan si ay u gaadho guusheedii 14-aad oo xidhiidh ah taariikhda premier League.

dhanka kale kooxda Newcastle oo 4 dhibcood oo kaliya heshay 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ayaa isha ku haysa in ay Liverpool guul kaga gaadhaan Anfield markii ugu horaysay taariikhdooda premier League.

Kulanka: Liverpool Vs Newcastle

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 2:30 Duhurnimo

Garoonka: Anfiled

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Liverpool ayaa raadinaysa in ay guul gaadho 5-teeda kulan ee ugu horeeya premier League xilli ciyaareedka cusub markii 2-aad ee taariikhdeeda kaliya kooxda chelsea oo sidaas samaysay 2009/10 & 2010/11 Iyo Man City oo sidaas samaysay 2015/16 & 2016/17 ayaa horay u sameeyay.

Newcastle ayaa badisay 3 ka mid ah 5-tii kulan ee ay premier League ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda waana in ka badan 24-kii kulan ee hore.

Sadio Mane ayaa ciyaaray 50 kulan oo premier League ah oo ka dhacay Anfield isaga oo aan guuldaro la kulmin (40 guul iyo 10 Bar-Baro) waana rikoodhka ugu fiican ee uu xiddig ku ciyaaray garoon isaga oo aan guuldaro la kulmin.

Tababaraha Newcastle ee Steve Bruce ayaa kaliya guuldaro la kulmay 4 ka mid ah 17-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu Liverpool ka hor tagay (5 guulood iyo 8 bar-baro) isaga oo kulankii ugu dambeeyay ee uu garaacay Liverpool ahayd April 2015 markaas oo uu hogaaminayay Hull City.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*