Hordhac: Granada Vs Barcelona: Blaugrana Oo Doonaysa In Ay Sii Wado Guulaha Horyaalka La Liga

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqon doonta kooxda Granada kulan ka tirsan todobaadkii 5-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoonka Los Carmenes.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib bar-barihii ay la galeen Dortmund kulankii champions League ee xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale Barcelona ayaa doonaysa in ay sii wado qaab ciyaareedka fiican ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan halka ay Granada u soo gali doonto sidii ay u qaban lahayd Barcelona.

Kulanka: Granada Vs Barcelona

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:00 Habeenimo

Garoonka: Los Carmenes

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Barcelona ayaa ah kooxda kulamada ugu badan garaacday kooxda Granada taariikhda horyaalka La Liga iyaga oo ka badiyay guud ahaan 37 kulan xilli ay 14 ku garaacday garoonka Los Carmenes.

Granada ayaa badisay kaliya 5 kulan oo ka mid ah 46-kii kulan ee ay ka hor tageen Barcelona La Liga iyada oo guulahaas dhamaantood yimaadeen iyada oo ku ciyaaraysa garoonka Los Carmenes xilli guushii ugu dambaysay ee ay ka gaadhay Blaugrana ay ahayd 2014 bishii April.

Barcelona ayaa badisay 15 ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tagtay Granada iyaga oo badiyay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay oo xidhiidh ah kana dhaliyay 21 gool halka iyaga laga dhaliyay kaliya 2 gool.

Barcelona ayaa laga dhaliyay 2 gool kulan kasta oo ay ciyaartay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan markii ugu dambaysay ee laga dhaliyay 2 gool iyo wax ka badan kulamo xidhiidh ah waxa ay ahayd 2009 bishii May markaas oo laga dhaliyay 4 kulan min 2 gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*