Hordhac: Chelsea Vs Liverpool: Jurgen Klopp Oo Rikoodh Cajiib Ah Ka Dhigi Kara Kulankan Hadii Uu Guul Ku Hogaamiyo Kooxdiisa

Kulanka ugu xiisaha Badan Premier League Todobaadkan ayaa dhex mari doona kooxaha Liverpool iyo Chelsea kulan ka dhici doona garoonka Stamford Bridge kulan ka tirsan todobaadkii 6-aad ee horyaalka premier League.

Chelsea ayaa taariikh ku leh in ay ka inkaarsato kooxaha ku fadhiya hogaanka premier League marka ay marti galin doonaan hogaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool.

Dhanka kale Blues ayaa wali sugaysa guusheedii ugu horaysay ee garoonkeeda Stamford Bridge ee xilli ciyaareedkan horyaalka premier league.

Kulanka: Chelsea Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:30 Galabnimo

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa 18 jeer garaacday kooxda maalinta kulanka ku bilaabanaysa kaalinta 1-aad ee horyaalka premier League waana kooxda ugu badan ee sidaas samaysay laakiin Blues ayaa kaliya badisay hal kulan 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Liverpool premier League.

Liverpool ayaa kaliya laga badiyay hal mar 44 kulan oo premier League ah 36 guulood iyo 7 bar-baro iyaga oo guuldaro la,aan ah 22-kii kulan ee ugu dambeeyay 18 guul iyo 4 bar-baro.

Xiddiga chelsea ee Tammy Abraham ayaa dhaliyay ugu yaraan 2 gool 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League xiddiga kaliya ee 4 kulan sidaas sameeyay ayaa ah Luis Suarez kaas oo sidaas dameeyay December 2013.

Jurgen Klopp ayaa guul gaadhay 2 ka mid ah 4 kulan oo uu chelsea kula ciyaaray garoonkeeda waxana uu fursad u haystaa in uu noqdo tababarihii ugu horeeyay ee Liverpool ah ee 3 kulan ku badiya garoonka chelsea tartamada oo dhan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*