Hordhac: Arsenal Vs Aston Villa: Villa Oo Arsenal Ku Dhigi Karta Rikoodh Ay United & Chelsea Horay Ugu Dhigeen

Kooxda Arsenal ayaa marti galin doonta kooxda Aston Villa kulan ka dhici doona garoonka Emirates kana tirsan todobaadkii 6-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo raadinaya guushii ugu horaysay ee 4 kulan oo ay marti galiyeen kooxda u soo dalacday horyaalka premier League ee Aston Villa.

Dhanka kale Aston Villa ayaa noqon karta kooxda guulaha ugu badan ka gaadhay Emirates Stadium laakiin waa hadii ay garaacaan kooxda Arsenal.

Kulanka: Arsenal Vs Aston Villa

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 6:30 Galabnimo

Garoonka: Emirates Stadium.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa badisay 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Aston Villa ka hor tagaan tartamada oo dhan iyaga oo shabaqooda ilaashaday 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Kaliya kooxaha Man United iyo Chelsea ayaa guulaha ugu badan Arsenal kaga gaadhay garoonkeeda Emirates Stadium (4 Kulan) waxana ku xigta kooxda Aston Villa oo Arsenal 3 kulan ku garaacday sanadihii 2008, 2011 & 2013.

Mesut Ozil ayaa si toos ah ugu lug lahaa 6 gool 4-tii kulan ee uu ka hor tagay kooxda Aston Villa horyaalka premier League waxa uu ka dhaliyay 2 gool waxa uu caawiye ka noqday 4 kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*