Hordhac: Ac Milan Vs Inter Milan: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Xiisaha & Xamaasada Leh Ee Derby della Madonnina

Kulan xiiso leh ayaa dhex mari doona kooxaha Ac Milan iyo Inter Milan kana tirsan horyaalka Serie A-da todobaadkiisii 5-aad ee xilli ciyaareedka cusub kulan si weyn loo wada sugayo.

Inkasta oo uu horyaalku bilow yahay hadana labada kooxood ee isku magaalada iyo isku garoonka ah ayaa ku kala jira laba xaaladood oo kala duwan iyo waliba xaalado ay isaga mid yihiin.

Kooxda Ac Milan ayaa xagaagan yeelatay tababre cusub laakiin aan si fiican ku bilaaban horyaalka Serie A-da iyada oo hal kulan laga badiyay 2 kulan oo kalena badisay.

Dhanka kale kooxda Inter Milan oo tababare cusub yeelatay oo uu Hogaaminayo Antonio Conte ayaa si qurux badan ku bilabatay horyaalka iyaga oo badiyay dhamaan 3-dii kulan ee ay cyaareen horyaalka.

Si kasta ha ahaatee arintaas ayaan waxba ka badali doonin xaqiiqada ah in uu kulanku caawa yeelan doono xiiso iyo xamaasad waali ah sidii horay loogu yaqaanay kulankan.

Kulanka: Ac Milan Vs Inter Milan

Tartanka: Serie A

Wakhtiga: 9:45 Habeenimo

Garoonka: Giuseppe Meazza

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Inter Milan ayaan guuldaro kala kulmin Ac Milan 6-dii kulan ee kulanka Derbyga iyaga oo 3 kulan badiyay 3 kalena bar-baro galay markii ugu dambaysay ee ay Nerazzurri gool daro la,aan ahay wax intaas ka badan kulamada ay la ciyaarto Rossoneri ayaa ahayd September 1999 iyaga oo 10 kulan guul daro la,aan ahaa.

Inter Milan ayaa badisay kulankii ugu dambeeyay ee Serie A-da ay martida ahaayeen ee ay la ciyaareen Ac Milan tartanka kaas oo dhacay 2012 halka ay Rossoneri badisay 2 kulan sidoo kale bar-baro gashay 3 5-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Sanadka 2019 kooxda Ac Milan ayaa ah kooxda ugu badan ee shabaqeeda ilaashatay horyaalka Serie A-da iyaga oo 10 kulan aan wax gool ah laga dhalin halka aan Inter Milan laga dhalin wax gool ah 9 kulan wakhtigaas.

Markii ugu dambaysay ee ay Ac Milan badisay 5 kulan oo xidhiidh ah oo garoonkeeda ah horyaalka Serie A-da ayaa ahayd August 2014 halka ay haatan 4 kulan oo xidhiidh ah badiyeen lagana dhaliyay kaliya 1 gool.

Shaxda Laga Yaabo In Ay Labada Kooxood Isaga Hor Yimaadaan Kulanka caawa:

Milan: G Donnarumma; Conti, Musacchio, Romagnoli, Rodriguez; Kessie, Biglia, Calhanoglu; Paqueta; Suso, Piatek

Inter: Handanovic; Godin, De Vrij, Skriniar; Candreva, Barella, Brozovic, Asamoah; Politano, Sensi; R Lukaku

1 Comment

  1. Ac milan wali barbaro ma galin wa khaldantihiin ee qoraalka naga hagaajiya
    Ac milan 1 lose 2 win
    Wa sidaas saddexda ciyaarood e ay ac milan ciyaartay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*