Fursadaha Ay Lionle Messi & Luis Suarez Ku Ciyaari Karaan Kulanka Valencia Oo La Ogaaday.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa kashifay fursadaha xiddigaha Barcelona ee Lionel Messi iyo Luis Suarez ay ku ciyaari karaan kulanka Valencia ee horyaalka La Liga ee todobaadka dambe.

Labada xiddig ayaa dhaawac kaga maqnaa kooxda Barcelona kulamadii ugu dambeeyay waxana uu wargayska Mundo Deportivo sheegay in ay adagtahay in ay labada xiddig ciyaaraan kulanka Valencia ee horyaalka La Liga.

Wargayska ayaa sheegay in ay labada marxalada soo kabsashada Lionel Messi iyo Luis Suarez ay aad u gaabinayso iyada oo 4 maalmood oo kaliya ka hadhsan yihiin kulanka Valencia ee dhici doona sabtida soo socota.

Sidaas darteed labada xiddig ayay u badantahay in ay seegi doonaan kulanka ka tirsan todobaadkii 4-aad ee horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan.

Wargayska ayaa sheegaya in uu tababaraha Barcelona ee Ernesto Valverde bilowday diyaarinta xiddigaha kooxda isaga oo aan ku darsan qorshaha laabda xiddi kulanka Sabtida.

Labada xiddig ayaa wali tababar kali ah qaadanaya iyaga oo aan wali ku soo biirin tababarka buuxa ee kooxdooda sidaas darteed ay u badantahay in ayna ciyaari doonin mar kale kulan Barcelona.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*