Fred Oo Fariin U Diray Ole Gunnar Solskjaer Kadib Markii Uu Kaydka Ku Iloobay Xiddiga Reer Brazil

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Fred ayaa fariin u diray tababarihiisa Ole Gunnar Solskjaer iyo waliba dadka ka shakisan awoodiisa ka markii uu ku soo laabtay Man United ka hor kulanka Leicester City ee premier League.

United ayaa sabtida marti galinaysa kooxda Leicester City kulan ka tirsan todobaadkii 5-aad ee horyaalka premier League laakiin Fred ayaan wali wax kulan ah u ciyaarin kooxda Man United.

La soo saxiixashadii Fred ee Man United ayaa ahayd mid si weyn loo amaanayay marka loo eego in ay United saxiixa xiddiga ku garaacday kooxda Man City xilli uu Guardiola si aad ah u doonayay saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee 26 jirka ayaa ku dhibaatooday in uu la qabsado premier League isaga oo ah xiddiga kaliya ee aan wax daqiiqad ah u ciyaarin Man United xilli ciyaareedkan.

Solskjaer ayaa u muuqda mid aan u baahnayn adeega xiddiga khadka dhexe laakiin Fred ayaa fariin u diray tababaraha iyo waliba dadka ka shakisan awoodiisa ciyaareed isaga oo bogiisa Instagram-ka ku qoray”Waxa aan ahay qof diirada saaraya xilli ciyaareedkan, ma doonayo in ay wax kale i joojiyaan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*